Heemaal News Network

Wasiirka Difaaca Masar Oo Gaaray Xadka Qasa Lana Kulmay Saraakiisha Ilaalada

Wasiirka Difaaca Masar, Abdel Majid Saqr ayaa maanta la kulmay saraakiisha militariga ee galbeedka Masar oo ku dhow xadka Qasa, halkaa oo uu ka sheegay in ciidamada Masar ay yihiin kuwo xooggan, isla markaana ay howshooda koowaad tahay ilaalinta xuduudah, ilaalinta awoodda shacabkooda amniga xasilloonida.

Kulanka wuxuu yimid xilli 48 saac ee soo socota la filayo surtagalnimada weerar ay Iran ku qaadi karto Israa’iil, iyadoo Masar ay ka mid ahayd dalalka Carbeed ee saacadihii u dambeeyay bixiyay dadaal ay ku raadinayaan inay Iran ka baaqsato jawaab ka dhalin karta dagaal ku fida gobolka.