Heemaal News Network

Wasiirka Warfaafinta Lubnan Oo ka Hadlay Digniin Telefonka ah Uu ka Helay Israel

Wasiirka Warfaafinta Lubnaan, Ziad Makary ayaa la sheegay in laga soo wacay telefoon Israa’iil ah oo u sheegay inuu isaga baxo dhismaha uu ku shaqeeyo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Lubnaan ee NNA

Wakaalada ayaa intaa ku dartay in dad badan oo ku sugan Beirut ay sidoo kale heleen wacitaanka Israa’iil oo uga digaya inay isaga fogaadaan goobaha Xisbullah.

Sidan oo kale saacadihii hore ee saaka ayaa dadka deggan koonfurta Lubnaan waxaa soo wacay telefoono dhinaca Israa’iil ah oo u sheegayay inay masaafo fog ka durkaan goobaha ay ku badan yihiin xubnaha Xisbullah iyo bakhaaradooda hubka.

Israa’iil ayaa sii wada duqeynta ay ka geysanayso Lubnaan, iyadoo goobaha qaar laga maqlayo qaraxyada oo sii dhacaya, taasoo sare u qaadaysa surtagalnimada inay Israa’iil gaartay xarumaha hubka ee Xisbullah. Mar horaba waxaa lagu sheegay duqeyntan kuwii ugu sarreeyay tan iyo dagaalkii labaad ee Lubnaan ee sannadkii 2006.

Wasiirka caafimaadka Lubnaan, Firass Abiad, ayaa sheegay in 274 qof ay ku dhinteen duqeymaha socda ee Israel, in ka badan 1,000 kalena ay ku dhaawacmeen.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Beyruut ayuu Abiad ku sheegay in kumannaan qoys ay ku barakaceen weerarrada. Waxa uu sidoo kale sheegay in duqeymaha Israa’iil ay ku dhaceen isbitaallo, xarumo caafimaad iyo ambalaasyo.

Milatariga Israel ayaa ku dhawaaqay inay duqeeyeen ilaa 800 oo bartilmaameed, iyaga oo ku andacoonaya in ay daba socdaan keydka hubka Xisbullah.