Wasiirka xagjirka ah ee amniga Israa’iil, Itamar Ben Gvir ayaa sheegay in uu is casili doono, xisbigiisuna uu ka baxayo isbahaysiga xukuumadda Netanyahu, haddii golaha wasiirrada Israa’iil ay ansixiyaan heshiiska xabbad-joojinta Qasa. Wasiirrada Israa’iil , waxaa la horgeyn doonaa heshiiska Jimcaha, si ay u ansixiyaan.
Haddii ay is raacaan xubnaha midigta fog iyo xisbiyadooda oo ay is casilaan, markaa waxaa burburaysa xukuumadda Netanyahu oo lagu qasbayo inay doorasho qabato!