Heemaal News Network

Wasiirkii Cunsuriga Israel Gallant:-“Ma sii Wadi karno Dagaalka Gaza”

Wasiirka difaaca Israa’iil, Yoav Gallant ayaa markii u horreysay tan iyo bilowgii dagaalka ku dhawaaqay inay ku jiraan waqti xasaasi ah, isagoo markaa caddeeyay inay u baahanyihiin inay soo gabagabeeyaan heshiiska xabbad-joojinta Qasa, si loo sii daayo maxaabiista, sida ay sheegtay Al-jazeera oo xiganaysa telefishinka Israa’iil ee Channel 12.

Israa’iil ayaa burburisay heshiis kasta oo la isku dayay, si loo joojiyo dagaalka, waxayna ahayd diidmo ka imaanaysay Netanyahu, hadda hadalkan wuxuu ka soo baxay Wasiirka difaaca, taa oo ka dhigan militari ahaan , ma ay doonayaan ciidanka inay sii wadaan dagaalka, sababtoo ah xaaladda ka jirta goobta dagaalka.

Waxyar ka hor, telefishinka Al-jazeera ayaa laga sii daayay, in kulan saacado ka hor ay yeesheen Netanyahu iyo Gallant , inuu ku dhammaaday cannaan, ka timid Netanyahu oo saraakiisha sare ee militariga ku eedeynaya inay doonayaan xukuumadiisa inay afgembiyaan, taa oo ku soo aaday saacado kaddib markii taliska dhexe ee militariga Israa’iil uu wargeliyay Netanyahu , saraakiisha hoggaaminaysa dagaalka ee ku sugan gudaha Qasa, inay soo gudbiyeen qoraal wadajir ah oo ay ku dalbanayaan heshiis dhaqso ah iyo inay taageerri doonaan nooc kasta oo heshiis lala galo Xamaas.

Wuxuu hadda la kulmaya marxalad aan horey usoo marin Netanyahu, qoysaska maxaabiista ayaa xiray waddooyinka Tel Aviv, iyagoo u diidday wasiirrada inay ka soo baxaan guryahadooda, saraakiisha militariga ayaa u sheegay inaysan sii wadi karin dagaalka, halka Mareykanka uu ka hor istaagay, sabab uu dagaalka ku dheereyn karay Netanyahu, oo dejiyay qorshe lagu weerarrayo Lubnaan, halka xeer Ilaaliyaha guud ee Israa’iil uu ku soo celiyay Netanayahu codsiga uu ku dalbaday in dib loo dhigo kiiska musuq maasuqa ee loo heyso, arrimahan oo dhan waxay burburinayaan siyaasiyigii waqtiga ugu dheer maamullayay Israa’iil, indhaho oo dhan ayaanna ku sii jeeda habka uu uga baxsan karo xaaladahan.

Waddada kaliya ee badbaadada u leh Netanyahu, hadda waa heshiis , taa oo ay xataa ku riixayaan saraakiisha sirdoonka ee wada-xaajoodka ku matalaya Israa’iil, iyadoo dhexdhexaadiyayaasha Qatar iyo Masar ay u sheegeen Mareykanka caqabadaha ka jira dhinaca Israa’iil , xilli maamulka Biden uu dadaal ku bixinaya in la joojiyo dagaalka.

Dhab ahaantii, Israa’iil waa inay hadda qaadata heshiis, toddobaadyada ina soo aadana – waa kuwo u leh mudnaan Qasa!