Heemaal News Network

Wasiiro & Xildhibaano ka Tirsan Maamulka Israel Oo Is casilay

Saddex wasiir oo midigta-fog ah oo Israa’iili ah ayaa iska casilay xukuumadda ra’iisal wasaare Benjamin Netanyahu Axaddii maanta iyagoo ka soo horjeestay heshiiska xabbad joojinta ee Xamaas.

Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben Gvir, Wasiirka Negev, Galilee iyo Resilience Qaranka Yitzhak Wasserlauf iyo Wasiirka Heritage Amichai Eliyahu, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan xisbiga Ben Gvir ee Otzma Yehudit (Power Yuhuuda), ayaa is casilay.

Saddex xildhibaan oo kale oo ka socda Otzma Yehudit ayaa sidoo kale “soo gudbiyay waraaqo ay kaga tagayaan xilalkooda guddiyada kala duwan” ee Knesset, baarlamaanka Israa’iil.

Talaabada ka soo baxday xisbiga Ben Gvir ayaa wiiqi karta isbaheysiga Netanyahu balse ma dumin karto dowladiisa.

“Laga bilaabo wakhtigan, xisbiga Otzma Yehudit ma aha xubin ka tirsan isbahaysiga,” ayuu xisbigu ku yiri bayaan.

Xisbigu waxa uu ku tilmaamay heshiiska ay kala xaajoonayaan Xamaas in uu yahay “is dhiibis” waxayna sheegeen in heshiiska uu yahay mid “aan ka fiirsi lahayn” kaasoo arki doona in la sii daayo boqolaal gacan ku dhiigleyaal ah oo dhiig rag, dumar iyo carruur gacmaha ku leh.

Wasiirka kale ee midigta fog ee isbahaysiga Netanyahu, Bezalel Smotrich, ayaa kasoo horjeeda heshiiska balse weli isma casilin. Smotrich, oo ah wasiirka maaliyadda, ayaa ku hanjabay inuu is casili doono haddii Israa’iil aysan ku soo laaban dagaalka ka dib marka uu dhammaado wejiga koowaad ee xabbad joojinta.