Netanyahu,ayaa u muuqda inuu ka hadlayo dadka Carbeed ee ay ku dhex taallo Israa’iil, isagoo markii u horreysay tan iyo markii uu qaaday duulaanka Qasa, maanta sheegay; “Waxaa nagu hareereysan dambiilayaal doonaya inay na dilaan dhammaanteen.”
Netanyahu , ayaa 24 bishii July markii uu khudbada ka jeedinayay xarunta Congress-ka Mareykanka , wuxuu isku dayay si marin habaabin ah , isagoo marka farta ku fiiqaya askari la socday oo uu ku sheegay Muslim -Carab -Israa’iili ah inuu qeyb ka ahaa askarka Israa’iil ee ka difaacay dhulka Israa’iil, weerarkii Xamaas, markaa oo dagaalka uu ku sheegay mid ilbaxnimada ka dhan ah, wuxuuna ka fogeynayay aragtidiisa diimeed iyo ciribtirka Falastiiniyiinta Carabta ah.
Maalin kaddib hadalkan, Madaxweynaha Turkiga, Erdogan ayaa ku sheegay Netanyahu ‘beenaale’ doonaya dadka inuu khaldo, markaa oo dagaalka Qasa uu sheegay inuu yahay mid ka dhan ah muslimiinta iyo inuu yahay dagaal diimeed oo cawaaqib xun u horseedaya Israa’iil.
Maanta ayaa la arkay nin muslim Carab ah oo ka gudbay xadka Jordan, kaa oo Israa’iiliyiin ku dilay Daanta Galbeed, tallaabo loo qaatay inay albaabka u furi karto kacdoon dhiig daadiya iyo ballaarinta dagaalka