Heemaal News Network

“Waxan Bur-burinay Qayb ka Mid ah Xarunta Nukliyeerka Iran.” Netanyahu Oo Baarlamaanka Israa’iil Uga Waramay

Netanyahu ayaa maanta u sheegay Baarlamaanka Israa’iil inta uu socday weerarkii bishii Oktoobar ay Israa’iil ku qaaday Iran in duqeymaha ay ka dhaceen oo lagu burburay qeybo ka mid ah wax soosaarka nukliyeerka ee Iran, balse wuxuu sheegay inan la gaarin goobaha uu ka socdo dhismaha bambooyinka nukliyeerka ee Iran.

Shabakadda Mareykanka ee Axios, ayaa toddobaadyo ka hor ku warrantay in weerarkii Israa’iil uu waxyeelo gaarsiiyay qeybo ka mid ah barnaamijka nukliyeerka ee Iran.

Sidoo kale ma jirto tan iyo markii u weerarka dhacay wax xaqiijin ah oo ka timid dhinaca Iran, iyadoo Tehran ay si cad u diidday in duqeymaha ay ka dhaceen goobaha nukliyeerka.