Wasiirka difaaca Israa’iil, Yoav Gallant oo waxyar ka hor booqday xarunta unugga sirdoonka militariga Israa’iil ee ururiya macluumaadka weerarrada oo loogu yeero 9900, ayaa ka hadlay qorshaha lagu weerari doono Iran inuu noqon doono mid dilaa ah.
Wasiir Gallant oo qorshan ka hadlaya ayaa yiri “Weerarka aan ku qaadayno Iran wuxuu noqon doonaa mid dilaa ah oo ka dhacaya bartilmaameedyo muhiim ah , lama filaan ah…. waxaana ka dhigi doonaa inay fahmi waayaan waxa ku dhacay.”