Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku tilmaantay go’aanka baarlamaanka Israa’iil ay ku mamnuuceen Unrwa mid aan loo dulqaadan karin.
Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa ku sheegay bartiisa X ee horey loo oran jiray Twiter in tillaabadan “ay ka hor imaaneyso waajibaadka iyo mas’uuliyadaha Israa’iil, waxayna khatar ku tahay nolosha iyo caafimaadka dhammaan kuwa ku tiirsan Unrwa”.
Ghebreyesus wuxuu ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in isbitaallada laga ilaaliyo “colaadda mar walba”, wuxuuna ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah.
“Hawlgallada militari ee degdegga ah ee ka socda agagaarka iyo gudaha xarumaha daryeelka caafimaadka iyo yaraanta muhiimka ah ee sahayda caafimaadka, oo ay u dheer tahay helitaan aad u xaddidan, ayaa dadka ka reebaysa daryeelka nolosha,” ayuu qoray Ghebreyesus.
Baarlamaanka Israa’iil ayaa meel mariyay sharci dalka ka mamnuucaya hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee UNRWA. Sharci-dajiyayaashu waxay ku eedeeyeen shaqaalaha UNRWA inay ku lug lahaayeen weerarradii toddobaad ee Oktoobar iyo leexinta gargaarka Gaza.
Madaxa UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa sheegay in tallaabadan ay sii kordhin doonto oo kaliya dhibaatada dadka reer Falastiin. Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, Matthew Miller, ayaa sheegay in Washington ay si cad ugu sheegtay Israa’iil inay aad uga walaacsan tahay xaaladda.