Heemaal News Network

Wiil ay Dhashay Marxuumad Wasiir Khadiijo Oo Caawa Muqdisho ku Geeriyooday

Mahdi Duco Qabe oo ahaa wiil ay dhashey Wasiiradii hore ee haweenka Xukuumada Somalia marxuumad Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa caawa ku geeriyoodey Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Mahdi oo kubad soo ciyaarey ay si deg deg ah xaaladiisa u xumaatay ka dib markii uu afka ubur ka keenay.

Xubno ka tirsan qoyska ayaa sheegay in markii dambe loola cararey isbitaalka Yardemeli ee degmada Xamar jajab halkaasoo ugu dambeyn uu ku geeriyoodey.

Geerida Mahdi duco qabe oo aad looga naxay iyo tacsida loo dirayo ayaa isqabsatay baraha bulshada, wax badana kama dambeyn hooyadiis oo saddex bilood si lama filaan ah ugu xijaabatay dalka Jabuuti ka dib markii uu ku soo booday xanuun deg deg ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Wiilkaa Waxaa loo Dilay Beesha Uu kasoo Jeedo Ee Isaaq..”Shacabka Harheysa

Heemaaln

Quljeed:- Beesha Reer Dudub Ee Borama Oo Dhul ku Wareejisay Beesha Duduble Ee Koonfurta Somalia ka Timid.

Heemaaln

Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Oo Si Toosa ula Hadlay Madaxwaynaha Somaliya

Heemaaln