Xildhibaan Axmed ayaa sheegay in wiilkan yar ee lagu magacaabo Axmed Xuseen Nadiif uu ku dhintay miino nooca gacanta oo uu ka helay deegaankaasi Qabuurta.
“Wiilkan oo xoolo ku eegayay degaanka Qabuurta ayaa dhintay markii uu ku ciyaarayay miino nooca gacanta oo uu ka helay deegaankaasi hadana waxaan joognaa aaskiisa, runtii waa arin naxdin leh waxaana ka tacsiyadeynayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay waxaana leeyahay Ilahay samir iyo iimaan hanaga siiyo dhamaanteen.” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Xuseen.
Sikastaba ha noqotee maaha markii ugu horeysay ee ay caruur ku geeriyooto miino ay ka helaan deegaanada ay xoolaha ku eegaa.
Maxamed Bili-bili