Heemaal News Network

Xaalado aan horey loo arag oo ka dhacay dalal kuyaalla Yurub !

Waddamada Yurub ayaa tan iyo bilowgii toddobaadkan wajahay xaalad isku mid ah oo aan horey loo arag, kaddib markii ay cilad wajaheen xarumaha nukliyeerka, shidaalka, isgaarsiinta iyo tamarta kale oo korontada ay ka mid tahay.

• Labo fiilo oo isgaarsiinta internetka ee badda hoostooda mara (fiber optic), ayaa la jaray , mid waxaa adeegsanayay oo ay isku xiraan dalalka Lithuania iyo Sweden, halka kan kalena ay adeegsadaan dalalka Finland iyo Jarmalka.

• Xarunta kaydka shidaalka ee ugu weyn Norway ayaa la xiray kadib markii ay cilad ku timid , qeybta korontada siisa xaruntan Johan Sverdrup. Waxaa loo diiwaangeliyay xaruntan inay soo saartay 756,000 oo foosto hal maalin gudaheed, taa oo ka dhigan xirnaashaheeda inay saameyn dhaqaale ku yeelanayso Norway.

• Labo ka mid ah xarumaha tamarta nukliyeerka dalka Finland oo kale ah; Loviisa iyo Olkiluoto, ayaa loo xiray cilad awgeed.

• Buundada Louhunsalmi oo isku xirta jasiiradda Säynätsalo iyo Lehtisaari,galbeedka Helsinki ee dalka Finland ayaa hoos loo dhigay adeegsigeeda markii ay go’een labo xarig oo ka mid ah xargaha haya bundadan oo ah midda toddobaad ee dalkaa ugu weyn.

Dalalka Yurub, lama garanayo waxa ay arrimahan ugu dhacayaan, waxayna billaabeen shirar ay yeeshaan sirdoonka iyo laamaha kale ee ammaanka oo ay ku go’aaminayaan weerarradan halka ay uga imaanayaan iyo waxa dhaliyay xaaladan.

Yurub waxay isku sheegaysa ‘halis’!

Isagoo ka hadlayay magaalada Brussels, wasiirka difaaca Jarmalka, Boris Pistorius ayaa sheegay in Ruushka uusan ahayn mid ku dagaallama hab ciidan oo kaliya, balse uu sameyn karo inuu khatar galiyo Yurub, isagoo aan xabbado ku soo ridin— wuxuuna sheegay in Yurub looga baahan yahay inay qaab ballaaran u wajahdo sidii ay isku difaaci lahayd. Waxa kale oo uu sheegay waxyaabaha ku fidaya Yurub iyo xergaha la jaray ee isgaarsiinta inay tahay calaamad cad oo muujinaysa in ay wax socdaan…!

W/Q Iman Jama