Heemaal News Network

Xaaskiisa iyo Aabihiis ayuu Laabta Galiyey,Ninkii kashifi jiray Siraha Maraykanka Oo Gaaray.

Aasaasihii shabakadda WikiLeaks, Julian Assange, ayaa gaaray dalkiisa Australia ka dib markii ay sii daysay maxkamad ku taal Mareykanka .

Markii uu ka degay diyaarada magaalada caasimada ah ee Canberra, waxa uu u gacan haadiyay taageerayaashiisa oo faraxsan, ka dibna wuxuu isku duubay oo laabta galiyey xaaskiisa iyo aabihiis.

Qareenkiisa Jennifer Robinson, oo ka hadlaysay shir jaraa’id ayaa sheegtay in Mr Assange uu uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha Australia, sida uu hadalka u dhigay, in uu naftiisa ku badbaadiyay.

Xaaskiisa Stella ayaa sheegtay in ninkeedu uu u baahan yahay wakhti uu ku soo kabsado ka hor inta aanu si fagaare ah u hadlin.

Mr Assange waxa uu heshiis qirasho ah la gaadhay mas’uuliyiinta Maraykanka, isaga oo soo afjaray dagaal afar iyo toban sano socday oo ku saabsanaa daabacaadda dukumentiyo sir ah oo aad u tiro badan.