Xabbad-joojintii uu dhexdhexaadiyay Trump ee Pakistan iyo Hindiya ayaa u muuqata mid aan dhaqan gelin illa hadda kaddib markii milatariga Pakistan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ku weerarreen gudaha Hindiya, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AFP.
Wakaalada wararka Reuters oo xiganeysa wasiirka waxbarashada Kashmir qeybta Pakistan ayaa yiri: Isku dhacyada labada ciidan ee xuduuda isku hor fadhiya wali waa kuwa socda.
“Waxaa weli socda iska horimaadyo ciidamada labada dal ku dhexmaraya xuduuda Kashmir, rasaas iyo madaafiic ayaana si joogto la isku weydaarsanayaa” ayuu yiri
Tan ayaa ka dhigan in heshiiskii xabbad joojinta uusan si dhab ah u hirgalin wali.
Trump, wuxuu ku dhawaaqay inuu dhex dhexaadiyay Pakistan iyo Hindiya, kaddib wada-hadallo waqti dheer qaatay oo ugu dambeyntii heshiis rasmi ah ay labada dal ka gaareen xiisaddii u dhaxeysay.
Pakistan waxay dib ugu furtay hawadeeda dhammaan duulimaadyada caalamiga ah kadib heshiiska xabad-joojinta ah ee ay la gashay Hindiya, kaasoo uu Mareykanku dhexdhexaadinayay.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Vikram Misri, ayaa sheegay in Taliyeyaasha Guud ee Hawlgallada Milatariga ee Pakistan iyo dhigooda Hindiya ay isla xiriireen isla markaana waxa uu sheegay inay ku heshiiyeen xabbad-joojin rasmi ah inay labada dal sameeyaan.