Xabad-joojintii ay ku heshiiyeen Israa’iil iyo Xamaas ayaa ka dhaqan gashay guud ahaan Marinka Gaza, ka dib markii uu dib u dhac ku yimid ku dhawaad saddex saacadood.
Xabbad joojintan ayaa hakisay dagaalkii socday 15 bilood kaas oo burbur iyo isbeddel siyaasadeedba u horseeday Bariga Dhexe.
Dadka deegaanka iyo shaqaalaha caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in aysan maqlin wax dagaal ah ama duqaymo cusub oo dhacay ilaa intii ay xabbad joojintu ka dhaqan gashay.
Weerarrada cirka iyo madaafiicda Israa’iil ayaa lagu dilay 13 Falastiiniyiin ah intii u dhaxaysay 08:30 kii subaxnimo ee waqtiga maxalliga ah, markaas oo xabad joojinta ay ahayd in ay bilaabato, iyo 11:15 oo ah markii ay dhab ah u dhaqan gashay, dhakhaatiirta Falastiiniyiinta ayaa sidaas sheegay.
Israa’iil ayaa ku eedaysay Xamaas dib u dhacan kadib markii kooxda Falastiiniyiinta ah ay ku guul-darraysatay in ay soo gudbiso liiska saddexda la hayste ee ugu horreeya ee lagu sii daynayo heshiiska.
Xamaas ayaa dib u dhaca ku sababeeyay arrimo “farsamo”, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.
Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in saddex la hayste la sii deyn doono galabta toddoba kalana maalmaha soo socda.
Xabad joojinta ayaa dhaqan galkeedu waxa uu soo afjaray 15 bilood oo xiriir ah oo uu dagaal lagu hoobtay ka dhacayay Marinka Gaza.
Dagaalka oo u dhaxeeyay Israa’iil iyo Xamaas ayaa khasaaraha ugu badani uu ka soo gaaray rayidka reer Gaza, halkaas oo la sheegay in lagu dilay in ka badan 47 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.