Heemaal News Network

Xafiiska QM Ee Somalia Oo Iska fogeeyey War qoraal ah Oo Laga Baahiyey

Xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa beeniyay warqad toddobaadkii u dambeeyay internetka lagu faafiyay oo la xiriirtay digniin weerarro ka dhici kara Muqdisho.

Qoraal lagu baahiyey barta Twitterka ee xafiiska QM ee UNSOM ayaa lagu sheegay in qoraalkaas uu yahay mid been abuur ah oo aan ka soo bixin xafiiskaas.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay la socotaa warbixin lagu sheegay in qeybta ammaanka ee Qaramada Midoobay ay soo saartay, laguna faafiyay baraha Internet-ka, taas oo aheyd dukumeenti been-abuur ah” ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM.

Si joogta ah waxaa inta badan baraha internetka oo WhatsAppka ugu horreeyo lagu arkaa farriimo lagu wadaago oo la sheego inay ka soo baxeen xafiiska Qaramada Midoobay oo looga digayo weerarro qaraxyo ah oo ka dhici kara goobaha muhiimka ah ee Muqdisho.