Heemaal News Network

Xamaas iyo Israel Oo Qarka u Saaran Heshiis Xabad joojin ah

Sarkaal ka tirsan Xamaas, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, in horumar laga gaaray wada-xaajoodyada lagu raadinayo xabbad-joojinta Qasa ee ka socda magaalada Dooxa, isagoo rajo ka muujiyay in waqti dhow la guda-geli doono dhammeystirka heshiiska.

Shabakadda wararka Axios , ayaa ku warrantay Israa’iil iyo dhexdhexaadiyayaasha Qatar, Masar iyo Mareykanka inay ku heshiiyeen qabyo-qoraalka qodobbada heshiiska xabbad-joojinta Qasa oo loo gudbiyay Xamaas.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in dhexdhexaadiyayaashu ay sugayaan jawaabta Xamaas.

Sarkaal Israa’iili ah ayaa sheegay in qofka go’aanka qaadan doona uu yahay hoggaamiyaha garabka militariga Xamaas ee Qasa, Maxamed Sinwar; taasoo dabcan ka dhigan in hoggaanka Xamaas uu sii hayo Maxamed Sinwar, wallow aysan wali Xamaas sheegin cidda qabanaysa jagada hoggaamiyaha tan iyo dhimashadii Yaxye.

Laba sarkaal oo Israa’iili ah oo Axios la hadlay ayaa sidoo kale sheegay in jawaabta Xamaas la filayo 24-ka saac ee soo socda, iyagoo intaa ku daray; “ Waxay u muuqataa inan u socono heshiis la gaari karo.”