Heemaal News Network

Xamaas Oo Go’aan ka soo Saartay Magacaabista Hogaamiyahooda Cusub.

Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in aan la shaacin doonin aqoonsiga hoggaamiyahooda cusub sababo la xirrira amni awgood, iyadoo ay Xamaas talaabadaasi oo kale samaysay 2003dii ka dib markii ay Israa’iil dishay hoggaamiyahoodii Sheekh Axmed Yaasiin.

Kooxda ayaa ku tala jirta in ay doortaan hogaamiye cusub bisha Maarso ee sanadka soo socda balse ilaa iyo waqtigaas waxaa maamuli doona guddi ka kooban shan xubnood.

Guddigan ayaa ka koobnaan doona Khalil al-Hayya, Khaled Meshaal, Zaher Jabarin, Muhammad Darwish, madaxa golaha shuurada iyo shaqsiga shanaad oo aan wali la shaacin aqoonsigiisa.

Sarkaalkan ayaa tilmaamay in Khaliil al-Hayya uu la wareegay mas’uuliyadda inta badan dhanka siyaasadda iyo arrimaha dibadda, marka laga soo tago kormeerkiisa tooska ah ee arrimaha Gaza la xiriira.