Heemaal News Network

Xamaas Oo Isaga Baxday Wadahadallo ka Socday Dalka Masar.

Wafdi ka socday ururka Xamaas ayaa isaga baxay wadahadallo ka socday dalka Masar oo lagu doonayo in xabad joojin laga gaaro dagaalka Qasa.

Bayaan ka soo baxay kooxda ayaa lagu sheegay in Israa’iil ‘ay fashilisay’ isku dayo lagu doonayay in heshiis lagu gaaro iyadoo diidday dalabaadka lagu joojinayo weerradeeda, in ciidamadeeda ay la baxdo, iyo in Falastiiniyiinta ay barakicisay loo ogolaado in ay ku laabtaan guryahoodii.

Israa’iil wax wafdi ah uma aysan dirin Qaahira, iyadoo sheegtay in marka hore ay doonayso taxda la haystayaashii badbaaday. Xamaas ayaa sheegtay in wadahadalku uu socon doono ilaa heshiis laga gaarayo.

Cadaadiska caalamiga ah ee xabbad-joojinta ayaa sii kordhay iyadoo calaamado muujinaya macaluul soo fool leh laga arkayo Qasa.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

UK Oo Ka Fikiraysa In Ay Aqoonsato Dawlada Falasdiin

Heemaal

Sirdonka Israa’iil Oo Lagu Eedeyay Inay Cabsi gelin ku Bilaabeen Wasiir A.Dibada Koonfur Afrika

Heemaaln

Xoghayaha Guud ee QM Oo Cambaareeyey Fal ay ku kaceen Ciidamada Israel

Heemaaln