Heemaal News Network

Xamaas Oo Maanta sii Deysay Maxaabiis Hor Leh.

Xamaas, ayaa maanta sii deysay saddex maxbuus oo dhammaantood rag ah oo uu ku jiro qofkii u horreeyay ee heysta jinsiyada Mareykanka ee lagu sii daayo heshiiska xabbad-joojinta ee toddobaadkii saddexaad ka dhaqangalaya marinka Qasa. Sii deynta saddexdan maxbuus waxay Xamaas ku beddelanaysa 183 maxbuus oo falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 18 horey loogu xukumay xabsi daa’im, 54 ayaa xabsiga ku jiray muddo dheer iyo 111 la xiray tan iyo wixii ka dambeeyay 7 Oktoobar,2023.

Waxaa la filayaa markii u horreysay 94 maxbuus in lagu celiyo marinka Qasa, halka toddobo ka mid ah maxaabiista maanta la sii deynayo ee Falastiiniyiinta laga masaafurin doono dhulka Falastiin, iyadoo la sii marsiinayo Masar.

Mar kale, Xamaas ayaa soo muujisay boqollaal dagaalyahan inta lagu jiray sii deynta maxaabiista Israa’iil ee ka dhacday Khan Yunis iyo dekedda Qasa.