Heemaal News Network

Xamaas Oo Mar kale Gantaalo ku Weerartay Tel-aviv.

Xamaas, ayaa gantaallo laga ridday Gasa ku weerartay Tel Aviv, tan oo aan dhici bilihii u dambeeyay, iyadoo warbixin ka soo baxday ciidanka Israa’iil lagu xaqiijiyay weerarkan oo ay sheegeen inay gantaaladan ku dhaceen Tel Aviv, xilli uusan wax digniin ah bixin nidaamka difaaca hawada, balse ma jiro wax faahfaahin ah oo laga soo bandhigay weerarkan haddii uu khasaare geystay.

Xamaas ayaa sheegtay weerarkan inay uga jawaabayso duqeymaha iyo weerarrada xasuuqa ah ee ay Qasa ka geysanayso Israa’iil, balse wuxuu bixinaya weerarkan farriin kale oo la xiriirta 10 bilood oo ay Israa’iil iyo xulafadeeda dagaal iyo duqeymo ka wadaan gudaha Qasa inay tahay awoodda Xamaas ma sii jirta oo weerarradaa aysan waxba ka beddelin.

Gudaha Israa’iil, waxaa sare maray khilaafka dawladda Netanyahu, Wasiirka difaaca Yoav Gallant , ayaa si cad hadda uga soo horjeestay siyaasadda Netanyahu, wuxuu ku sheegay war been ah sheegashada guul laga gaaray dagaalka iyo inuu caqabad ku yahay heshiis lagu sii deynayo maxaabiista oo wajahaya xaalad halis ah

Dhinaca kale, Wasaaradda Difaaca Israa’iil ayaa markii u horreysay si cad u shaacisay inay bil walba ku dhaawacmaan dagaalka Qasa qiyaastii kun (1,000) askari oo ka tirsan ciidanka Israa’iil, halka guud ahaan toban bilood oo dagaalka uu socdo ay sheegeen inay ku dhaawacmeen toban kun iyo kontan iyo lix askari (10,056).

Toddobaadkan wasaaradda difaac Israa’iil ayaa billowday inay soo bandhigto khasaaraha dagaalka ka soo gaaray, tan oo ku soo aaday xilli saraakiisha Israa’iil ee hoggaaminaysa ciidanka ku sugan gudaha Qasa ay si caro leh meesha uga saarayaan inay wax guul ah ka gaareen dagaalka.