Heemaal News Network

Xamaas oo qaadacday wadahadal cusub oo ka furmay Doha

Wadahadallo xaldoon ah oo lagu rabo in xabad joojin rasmi ah laga hirgeliyo Qasa ayaa maanta ka furmi doona caasimadda wadanka Qatar ee Dooxa, waxaana wadahadalladan hoggaaminaya Dowladda Maraykanka, Masar iyo Qatar.

Hoggaankii ururka Xamaas ee dhanka siyaasadda oo kaalin mugleh ka qaadanaayay wadahallada ayaa hore lagu dilay caasimadda Tehran isaga oo ku sugan.

Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in aanay ka qayb noqon doonin wadahadaladan cusub.

Xamaas in hadii la doonayo xabad joojin la hirgeliyo qorshihii uu soo jeediyay madaxweyne Biden, kaasoo ay horey u diiday Israel

Sidoo kale Xamaas waxay qaadatay tallaabo ay kaga hortageyso waqtiga oo la lulmiyo ama in marka wadaxaajoodka lagu soo laabto laga soo bilaabo halkii ay sheekadu ka bilaabatay

Maraykanka ayaa rejanaysa in dhamaystirka heshiiskan u sahli karo suuragalnimo ay Iran kaujoojin karto in ay kaga aargoosato dilkii Hanniyah Israa’iil, taas oo Iran aanay xaqiijin in weli in ay aargoosi rabto iyo in kale.

In ka badan 40 kun qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markii dagaalkaasi bilawday, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho