Heemaal News Network

Xamaas Oo si Rasmi ah U Qiratay Inuu Geeriyooday Taliyihii Duud Ee Qasaam, Maxamed Dayf

Xamaas, ayaa si rasmi ah u shaacisay inuu geeriyooday taliyihii guud ee guutooyinka hubaysan ee Qasaam, Maxamed Dayf ( Abu Khalid).

Ku dhawaaqistan, waxaa kalo uu ku shaaciyay afhayeenka Qasaam, Abu Cubayda inay sidoo kale geeriyoodeen inta dagaalka lagu jiray.

Marwaan Ciise oo ahaa taliye ku-xigeenkii ciidanka Qasaam, taliyihii garabka ciidanka qalabka sida ee Qasaaam, Ghazi Abu Tama’a, taliyaha guutooyinka gargaarka deg deg ah, Raed Thabet, iyo taliyihii guutada Qasaam ee Khan Yunis, Rafi’ Salama.