Muuqaalkan oo lagu sii daayay Telegram-ka, ayaa waxa uu ku furmay muuqaal ah muraayad saacad ah oo ay ku dul sawiran yihiin saddexda dumarka ah sawiradooda
“Waqtigu wuu dhammaanayaa, in ka badan 107 maalmood ayaa ka soo wareegay, fadlan na badbaadiya” ayey tiri mid ka mid ah la heystayaasha Kadib, waxa jiray muuqaallo la tafatiray oo mid kasta oo ka mid ah saddexda la haystayaal oo hadlaya.
Askar sagaal iyo toban jir ah Karina Ariev iyo Daniel Gilboa, iyo Doron Steinbrecher oo 30 jir ah ayaa ugu baaqay dawladda Israa’iil in la sii daayo.
Fiidiyowgan ugu dambeeyay, sida muuqaaladii hore ee la haystayaasha ee kooxda xagjirka ah, waa mid si heer sare ah loo soo saaray loona habeeyey.