Heemaal News Network

Xamaas, Oo Warsaxaafadeed ku Diidday Natiijadii Wada-hadalladii Israa’iil

Xamaas, ayaa warsaxaafadeed rasmi ah oo ay soo saartay ku diidday natiijadii ka soo baxday wada-hadalladii labada maalin ka socda Dooxa ee lasoo gabagabeeyay Jimcihii.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay Netanyahu inuu caqabad ku yahay heshiis la gaaro, kaddib markii uu ka horyimid ; Xabbad-joojin joogta ah , ka bixitaanka ciidanka Israa’iil ee Qasa, Isgoysyada Netzarim, Isgoyska Rafah, iyo Waddada Philadelphi.

Shabakadda wararka Israa’iil ee Kann, ayaa wax yar sheegtay inuu Netanyahu ku wargeliyay golihiisa wasiirrada inaysan sugin heshiis xabbad-joojin ah oo dhici kara inta ay Xamaas ku adkaysanayso inay ciidanka Israa’iil ka baxaan Isgoysyada Netzarim, Philadelphi oo uu ku sheegay heshiis kasta oo dhaca in loo baahanyahay inay ciidanka Israa’iil ku sugnaadaan.