Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa saaka oo Axad ah magacaabay xubno ka tirsan golihiisa wasiiradda. Xafiiska Warfaafinta xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa shaaciyay magacaabistan.
- Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah u magacaabay Axmed Macallin Fiqi.
- Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa waxaa loo magacabay Cali Yuusuf Cali Xoosh.
- Wasiirka amniga gudaha, ayaa waxaa loo magacabay, General Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaan .
- Wasiirka tamarta iyo biyaha, ayaa waxaa loo magacabay, Cabdullaahi Bidhaan Warsame
- Wasiirka boostada, is-gaarsiinta iyo tiknoolojiyadda, ayaa waxaa loo magacabay, Maxamed Aadan Macallin
- Wasiiru-dowlaha wasaaradda bay’ada iyo is-bedelka cimilada, ayaa waxaa loo magacabay, Axmed Cumar Maxamed .
Xukuumada Barre ayaan wali dhamays tirnayn, waxaana jira wasaarado aan wali loo magacaabin wasiirkii hogaamin lahaa.