Heemaal News Network

Xamsa Oo Magacaabay Wasiiro Cusub, Kuwana Ka badalay Wasaaradahoogii

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa saaka oo Axad ah magacaabay xubno ka tirsan golihiisa wasiiradda. Xafiiska Warfaafinta xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa shaaciyay magacaabistan.

  • Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah u magacaabay Axmed Macallin Fiqi.
  • Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa waxaa loo magacabay Cali Yuusuf Cali Xoosh.
  • Wasiirka amniga gudaha, ayaa waxaa loo magacabay, General Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaan .
  • Wasiirka tamarta iyo biyaha, ayaa waxaa loo magacabay, Cabdullaahi Bidhaan Warsame
  • Wasiirka boostada, is-gaarsiinta iyo tiknoolojiyadda, ayaa waxaa loo magacabay, Maxamed Aadan Macallin
  • Wasiiru-dowlaha wasaaradda bay’ada iyo is-bedelka cimilada, ayaa waxaa loo magacabay, Axmed Cumar Maxamed .

Xukuumada Barre ayaan wali dhamays tirnayn, waxaana jira wasaarado aan wali loo magacaabin wasiirkii hogaamin lahaa.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Midowga Jaamacadaha Oo ka Hadlay Ciidamo Dhibaato ku Haya Xarumaha Wax-barashada

Heemaaln

“Xildhibanadii Ka Hadley Heshiiska Ethiopia Kuma Matalaan Awdal.”Xildhibaan Abubakar

Heemaaln

Midowga Afrika Oo Isku Raacay in Somaliya ay Noqoto Dalka u Sharaxan kursiga Golaha Ammaanka

Heemaaln