Heemaal News Network

Xamse Barre Oo Goor-dhawayd Magacaabay Saddex Xil Oo Cusub (Akhriso Magacyada)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta u magacaabay Kamaaludiin Daahir Xasan Guutaale inuu noqdo Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamsa waxaa sidoo kale uu u magacaabay Cabdirisaaq Cali Ibraahim inuu noqdo Ku xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo Mahad Maxamed Cumar uu u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Waaxda Habmaamuuska ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kamaal Guutaale ayaa horey uga mid ahaa la-taliyaasha gaarka ah ee Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, waxa uuna ninkan aad ugu dhawaa Xamse Barre oo muddo dheer kasoo wada tirsanaayeen kooxda Damul Jadiid.

Xoghayihii hore ee xafiiska Ra’isul Wasaaraha Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa dhawaan xilkaasi iska casilay, kaddib markii la sheegay in cadaadis kala kulmay xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo xubno kale oo aad ugu dhaw dhaw Xamse Barre.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xeerkii Doorashooyinka Dib Ugu Celiyey Golaha Guurtida.

Heemaal

Catriona Laing Oo Golaha Amaanka Ee Q/M Warbixin ka Siisay Xaalada Somalia

Heemaaln

Wasarada Gaashaandhiga Oo Faahfaahinaya Heshiiska ay Galeen Somaliya iyo Turkiga.

Heemaaln