Heemaal News Network

Xarumaha Ganacsi Ee Magaalada Boosaaso Oo Maanta Xiran

Waxaa maanta xirnaa inta badan goobaha ganacsi ee kuyaalla suuqa magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee gobolka Bari, kaddib markii ganacsatada suuqaasi lagu soo rogay lacago badan oo canshuur xad-dhaaf ku ah.

Ganacsatada suuqa magaalada Boosaaso ayaa sheegay in la kordhiyay lacago canshuur ah oo laga qaadi jiray, waxa ayna sheegeen in ay ku adag tahay bixinta lacagtaasi badan ayna go’aansadeen in maanta gabi ahaan xiraan goobahooda ganacsi.

Ganacsade kamid ah ganacsatada magaalada Boosaaso ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey kororka ku yimid canshuurta macaash maashta oo bishii joogta looga qaadi jiray $19 hadana la yiri bixi lacag dhan $59 doollar farqiga u dhaxeeyana yahay $40 dollar .

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda oo ganacsatada qaybtood la kulmeen ayaa loogu goodiyey inay lacagta bixiyaan xarumahana furaan, haday taas sameyn waayaana xabsiyada la dhigayo, waana arin walaac xooggan ku abuurtay ganacsatada.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso ayaa xilligan wajahaya caqabado ay kala kulmayaan maamulada ay hoos joogaan, waxaana ganacsatada lagu soo rogay lacago badan oo canshuur ah oo magacyo kala duwan looga qaadayo.