Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka degay magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo saraakiisha Ciidamada Qaranka.
Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku hoyanaya jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa caawa kulan kula qaatay degmada Moqokori Hoggaanka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada hormuudka u ah howlgallada xoreynta dalka.
Madaxweynuhu ayaa ka xogwareystay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle iyo Hoggaanka ciidamada jiidda hore, guulaha iyo caqabadaha jira, iyagoo soo bandhigay sida ay ciidamada u dhiirri-gelinayso in Madaxweynihii Qaranka uu kula sugan yahay furinta dagaalka, si dhowna ula socdo guulaha, baahiyaha iyo geesinimada Ciidanka Soomaaliyeed.