Heemaal News Network

Xasan Sheekh Oo Booqasho Rasmi ah ku Tagay Imaaraadka Carabta,(Sawiro)

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Muxammad bin sayid Al Nahyan.

Kulankan oo ka dhacay qasriga Al badiin ee Abu Dhabi, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada horumarka, nabadda, iyo xasilloonida Soomaaliya. Labada madaxweyne ayaa sidoo kale is dhaafsaday hambalyada bisha barakeysan ee Ramadaan, iyagoo Alle ka baryay inuu barako iyo horumar u keeno labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Imaaraadka taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada horumarineed iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka, kuwaas oo muujiyay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo iskaashiga labada dal