Heemaal News Network

Xasan Sheekh Oo si weyn Loogu soo Dhaweeyay Magaalada Nairobi.(Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw gaaray Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha JKIA EE Nairobi kusoo dhaweeyay madaxweyne kuxigeenka Kenya Rigathi Gachagua wasiirka gaashaandhigga kenya Adan Barre Ducaale iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha 6aad ee arrimaha deegaanka iyo isbedelka Cimilada oo Maalinta Berrito ah ka furmaya magaalada Nairobi.

Shirka beri ka furmaya magaalada Nairobi ayaa waxaa ka qeyb galaya hoggaamiyaal badan oo ka kala socda qaar kamid ah waddamada caalamka, Madaxweynaha ayaana inta uu Kenya jooga la kulmi doona qaar kamid ah madaxda shirka ka qeyb galeysa.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Booliiska Muqdisho Oo soo Bandhigay Shan Nin Oo Dilal kala Duwan Geestay (Sawirro)

Heemaaln

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gudoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka.(Sawirro)

Heemaaln

Shidaalkii Ugu Horeeyey Oo Sanadkan Laga Soo Saarayo Soomaaliya

Heemaal