Madaxweynaha ayaa Allaah uga baryey inuu caafimaad taam ah siiyo geesiyaasha dhaawaca ah ee habeen iyo maalin u taagan difaaca diinta, dadka iyo dalkeenna hooyo.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada dagaal cirka iyo dhulka ah oo lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya gobollada dalka qaarkood.