Heemaal News Network

Xasan Sheekh Oo ka Qayb-galay Shirka Amniga Caasimada.(Sawiiro)

Muqdisho, Abriil 17, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyey Shirka Amniga Gobolka Benaadir oo looga hadalay dardar galinta tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga Caasimadda Muqdisho.

Kulankan oo markii ugu horreysay looga yeeray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa warbixino ku saabsan xaaladda amniga Caasimadda looga dhageystay mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka, iyaga oo soo bandhigay qorsheyaashooda ku aaddan ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS, Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Benaadir.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so