Heemaal News Network

Xasan Sheekh Oo ka Qayb-hgalay Furitaanka Shir Madaxeedka Midawga Africa.(Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay furitaanka Shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay kulanka, ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda.

Madaxweynaha ayaa markale ku celiyay in aan la aqbali karin talaabooyinka ay Itoobiya dhawaan ku dhaqaaqday, gaar ahaan heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay la saxeexdeen Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa tallaabadaasi ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo Kuwa Afrika islamarkaana aan la aqbali karin.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

DEG-DEG: Xukumada Biixi Oo Hada si Adag Ugu Jawaabtay Cabdiqadir Jirde

Heemaal

Madaxwaynaha Masar Oo kusoo Wajahan Caasimada Mudisho.

Heemaaln

Hay’adda Duulista Rayidka ee Somaliya Oo Beenisay Sheegashada Somaliland Ee Maamulka Hawada.

Heemaaln