Heemaal News Network

Xasan Sheekh Oo ka Qayb-hgalay Furitaanka Shir Madaxeedka Midawga Africa.(Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay furitaanka Shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay kulanka, ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda.

Madaxweynaha ayaa markale ku celiyay in aan la aqbali karin talaabooyinka ay Itoobiya dhawaan ku dhaqaaqday, gaar ahaan heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay la saxeexdeen Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa tallaabadaasi ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo Kuwa Afrika islamarkaana aan la aqbali karin.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Isku Shaandhayn Lagu Sameenayo Golaha Wasiiradda iyo Wasiir Fiqi Oo laga dhigyo…

Heemaaln

“Ninkii M/Biixi Ee Denbiyada Dagaalka ka Gaystay Laascaanood Dacwad ayaan ka Gudbinay.”M/SSC

Heemaaln

Xildhibaanada Ingiriiska Ee Aqoonsiga Somaliland ku Raad jooga Oo Baarlamaanka lagu Qaabiley

Heemaaln