Heemaal News Network

Xasan Sheekh Oo Qalinka ku Duugay Heshiiska Difaaca Badda Ee Dawladu la Gashay Turkiga

Waxaan saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo qayb ka ah dadaalada aan ku bixinayno dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano waa mid taageeraya hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor taga wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato Ciidan Badeed oo ku filnaada difaaca baddeenna.

Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed, waxaana heshiiskan uu qeyb ka qaadanayaa nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Saxiixa Bada Iyo Aqoonsiga Somaliland Halmar Ayuu Dhacayaa” Xisbiga Kulmiye Oo Wasiir Koore U Doortey…..

Heemaaln

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Raaligelin Ugu Tagay Gurigiisa Senator Muuse Suudi

Heemaaln

Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Somaliya Oo Magacaabay la Taliye Cusub

Heemaaln