Heemaal News Network

Xasan Sheekh Oo si Wayn Looga soo Dhaweeyay Adiss-ababa.(Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb geli Dona Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, isagoo hoosta ka xariiqay sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xadgudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbad uu ka jeedinayo Golaha waxa uu u ka shaqeyn doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada, daris-wanaagga iyo in dalalka Afrika ay ka gudbaan caqabadaha nololeed iyo kuwa deegaan ee dib u dhigay nolasha shucuubta Qaaradda.

Inta uu socdo shir, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la yeelan doona madaxda kala duwan ee dowladaha, Ururrada iyo wufuudda muhiimka ah ee ka qeyb-galaya, isagoo mudnaanta siinaya xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka Afrika iyo danaha Qaranka Soomaaliyeed.
DHAMMAAD

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ciidamasa SSC Ee Jiidda Hore Oo Hada Duleedka Oog Ku Qabtay Basaas.

Heemaal

Bankiga Itoobiya Oo Shaaciyay Magacyada Dadka weli la Maqan Lacagaha lala Baxsaday

Heemaaln

Beelwaynta Bahabar-Muuse Oo Shir Uga Furmay Deegaanka Lugfhaya.

Heemaaln