Heemaal News Network

Xasan Sheikh: “Haddii Itoobiya ay ku Dhaqaaqdo Heshiiska Badda, Somaliya way Iska Caabin Doontaa..”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalkiisu uu is difaaci doono haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo heshiiska ay ku doonayso in ay saldhig ciidan oo dhinaca badda ah ka samaysato Somaliland.

“Haddii Itoobiya ay ku adkeysato, Soomaaliya way iska caabin doontaa, wayna diidi doontaa. Haddii ay dalka soo galaan, Soomaaliya waxay sameyn doontaa wax walba oo ay isku difaaci karto.” ayuu madaxweyne Xasan Sheikh u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Madaxweynuhu ma uusan sii faah-faahin tallaabada ay Soomaaliya qaadi karto.

Wuxuu sheegay in kaliya uu aqbali doono in uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed la hadlayo, marka ay xukuumadda Addis Ababa ka tanaasusho rabitaankeeda ku aaddan in qaadato qayb ka kamid ah badda Soomaaliya.

Ku dhawaad 3, o00 oo askari oo Itoobiyaan ah oo katirsan howlgalka ATMIS ayaa ku sugan Soomaaliya, madaxweynaha ayaa sheegay in uusan ka fikireynin in dowladdiisu ay erido askartaas.

Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa kowdii bishii Jannaayo heshiis is-afgarad ah la gaartay Somaliland, heshiiskaas oo sheegayay in laga kireeyo 20 km (12 miles) oo xeebta ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Aabaha Dhalay Gabadhii la Gubay Oo Garoonka kaga Hortagay Eedeysanihii Gabadhiisa Dilay

Heemaaln

Xildhibaanada Guurtida Oo soo Buux dhaafiyey Barxada Golaha iyo Shir Madaxtooyada ka socda

Heemaaln

Farmaajo Oo Nsiib-daro ku Tilmaamay Talaabada Lagu Ansixiyay Wax ka Badalka Dastuurka.

Heemaal