Heemaal News Network

Xasan Sheikh: Ma lihin wax Qorshe ah oo aan Dagaal kula Galayno Itoobiya

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo wareysi uu siiyey Al-Carabiya iyo Al-xadath, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ku talo jirin inay dagaal la gasho Itoobiya, balse aysan ka waaban doonin inay difaacdo dalkeeda haddii loo baahdo.

“Ma lihin wax qorshe ah ama ujeeddo ah inaan dagaal la galno Itoobiya waqtigan xaadirka ah, laakiin haddii ay wax isbedelaan, waa inaan ka falcelinaa markaas,” ayuu yidhi madaxweynaha oo hadalkiisa kusii daray in heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland uu yahay mid xadgudub ku ah shuruucda iyo nidaamka caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxa uu sidoo kale ku baaqay in Masar lala yeesho istaraatiijiyad wadajir ah si loo wajaho khatarta guud.

Mar uu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah argagixisada, madaxweynuhu wuxuu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dhallinyarada Soomaaliyeed kusoo jiidanayaan carada ay ka qaadeen heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.

“Ma doonayno inaan diiradda saarno dagaal, laakiin maleeshiyaadka Alshabaab ayaa ka faa’iideysanaya is-afgaradkii Itoobiya iyo Muuse Biixi, si ay ugusoo jiitaan dhallinyarada uguna biiraan xagjiriinta, iyagoo marmarsiiyo ka dhigaya in gaalo kusoo duushay dhulka.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ka digay in Itoobiya aysan kaliya duullaan ku ahayn badda Soomaaliya, balse ay sidoo kale duullaan ku tahay dhulkeeda. Taasoo madaxweynuhu ku tilmaamay mid aan weligeed dhici doonin.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Somaliya iyo Qatar Oo kala Saxiixday Heshiis iskaashi Oo Dhinaca Milateriga ah

Heemaaln

Wasiir Fiqi:-“Dawlada Somaliya waxaa Mar walba ka Go’an siddii AS Uga Saari lahayd Dalka”

Heemaaln

Diwaan-galinta Shaqaalaha SSC Khaatumo Oo Laga Bilaabay Laascanood

Heemaaln