Wafdigan ayaa ka qeyb galaya Munaasabadda taariikhiga ah ee soo dhawaynta Markabka Oruc Reis ee howlaha shidaal sahminta ah u yimid dalkeenna oo saaka ku soo xirtay Muqdisho
Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo mas’uuliyiinta dowladda Turkiga, waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wafdi kale oo ka socda Turkiga uuna horkacayey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dalka Turkiga waxayna dhamaantood ka qeyb galayaan munaasabad balaaran oo maanta ka dhaceysa dekeda Muqdisho