Heemaal News Network

Xassan Oo U Safray Qaahira

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa galabta ka ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda, oo uu uga qeyb-galay shirkii IGAD, isagoo ku sii jeeda magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 7-dii Janaayo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Masar Cabdelfatah Al-Sisi, kaddib markii Muqdisho ay soo gaareen wafdi sare oo ka socday Qaahira

Dowladda Masar ayaa si buuxda uga soo horjeesatay damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, iyadoo taageertay Madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale Masar ayaa si weyn cambaareysay heshiiskii muranka dhaliyay ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya la saxiixday Madaxweynaha Somaliland, kaas oo 1-dii bishaan ka dhacay Addis Ababa.

Heshiis beenaadkaas ayaa xadgudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, waxaana si weyn uga gilgishay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda uga qeyb galay labo shir oo xasaasi ah oo mid looga hadlayey xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo Soomaaliya ay kala soo kulantay taageero buuxda oo madaxda IGAD ay u muujiyeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda u sii gudbay dalka Masar, wuxuuna safarkiisu ku qotomaa xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna Masar si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana cadowga koowaad u ah Itoobiya.

Inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa qaba in Soomaaliya ay soo dhaweysato Masar, waxaana fursadaha lagu soo dhaweysa karo ka mid ah in dalka laga siiyo saldhig militeri, si Soomaaliya ay uga faa’iideysato awooda militeri ee Masar, balse Soomaaliya weli ma qaadan go’aankaas.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Wasiir Koore Oo Cawa Fariin Adag U Diray Reer Laascanood

Heemaaln

Ugaas Cali Xaashi Oo kiisas Culus ku Eedeyey Boqor Buurmadow

Heemaal

Cali Max’ed Geeddi Oo Jawaab Adag ka Bixiyay Hadalkii Farmaajo iyo Shiikh Shariif

Heemaaln