Heemaal News Network

Xassan Sheekh Oo Booqday Kismaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha D. goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenada, xubnaha Xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku salaysan dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelandoonaa Madaxda Dowlad goboleedka Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhagaysandoona talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka iyo horumarka dalka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Mudaharaad Loogu Baroor-diiqayo Gabar Ninkeedu Gubay Oo Muqdisho ka Dhacay

Heemaaln

”Somaliland Maanta Laga Bilaabo iyadaa Hawadeeda Maamulanaysa Somaliyana..”

Heemaaln

“Nin Xaaskiisa Gubay iyo Haweeney Ninkeeda Dishey ma aha” Sh.Ummal Oo si Adag uga Hadlay is-dilka Qoysaska Muqdisho.

Heemaaln