Heemaal News Network

Xassan Sheekh Oo Booqday Kismaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha D. goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenada, xubnaha Xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku salaysan dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelandoonaa Madaxda Dowlad goboleedka Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhagaysandoona talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka iyo horumarka dalka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Danjirsaha Dawlada Kenya U soo Magacawday Somaliya Oo Warqadihii laga Gudomay(Sawirro)

Heemaaln

Madaxweyne Xasan Oo Arrimo aasaasi ah kala Hadlay James Stephen Oo Muqdisho yimid

Heemaaln

Golaha Wakiillada Puntland Oo Aqbalay Codsi Uga yimid Madaxweyne Siciid Deni

Heemaaln