Heemaal News Network

Xassan Sheekh Oo ka Walaacsan safar Ciro ku Tagayo Itoobiya

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa kala hadlay, qaar ka mid ah madaxda dalalkii horey u dhexdhexaadiyey Itoobiya & Soomaaliya, in uusan Abiy Axmed soo dhaweyn maqaam sare iyo heshiisyo cusub la galin madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo qorsheynaya inuu u socdaalo Itoobiya

Soomaaliya ayaa codsatay in booqashadan meesha laga saaro ama hoos loo dhigo.

Xassan Sheikh ayaa intii wada hadalka socday, u gudbiyey hoggaamiyayaashii dhexdhexaadinta walaaca uu ka qabo in dalalka Carabta qaarkood & Itoobiya ay ka wada shaqeynayaan sidii Somaliland qadiyadeeda looga dhigi lahaa mid caalami ah, oo hesha gole joogsi.

Villa Somalia ayaa doonaysa in Itoobiya lagu cadaadiyo in laga dhabeeyo Heshiiskii Ankara, oo aan Madaxweynaha Somaliland la soo dhaweyn, lagana hadli karin arrimaha la xariira Is afgaradkii horey u dhacay ama heshiisyo cusub oo la xariira dhinaca Baddaha & galalka taabanaya Madax banaanida Soomaaliya.

Itoobiya ayaa ku adkeysanaysa doonisteeda ah Biyo badeed inkastoo ay ka laabatay heshiiskii badda ee ay la gashay hogaankii hore ee Somaliland.

Madaxweyne Ciro ayaa maalmihii u dambeeyey safaro ku marayey dalal ka tirsan bariga Afrika, isagoo booqday Jabuuti iyo Kenyaoo uu la kulmay madaxdooda, waxaana booqashooyinkaas laga dhadhansan karay dedaalka Somailand ugu jirto iney hesho aqoonsi caalami ah.