Heemaal News Network

Xassan Sheekh Oo Kulan Degdeg Ah Iskugu Yeedhay Labbada Golle

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray maalinta berito ah labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulankii maanta ee labada Aqal ka hor sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxakuud uu berito hor imaan doono labada gole, islamarkaana uu kala hadli doona xaaladda guuud ee dalka.

Mudanayaal waxaan idin ku wargelinaya in beri oo Arbaco ah aad soo wada xaadirtaan kulan deg deg ah oo uu soo dalbaday madaxweynaha oo sida Dastuurka uu qabo soo dalban kara mar walba inuu isugu yeero labada Aqal, kulanka waxaa uu madaxweynaha kaga hadli doona xaaladahii ugu dambeeyay ee fadlan waqti fiican hala soo xaadiro waad la socotaan marxalada uu dalka ku jiro

ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Kulankaan deg dega ah uu madaxweynaha isugu yeeray labada gole ee Baarlamaanka Fedaraalka ayaa wararku sheegayaan in madaxweynaha uu ka hadli doono xad gudubkii Itoobiya ay kula kacday wafdigiisa mudadii ay u joogeen Addis Ababa ka qeybgalka shirkii Midowga Afrika iyo waliba waxyaabaha uga soo qabsoomay safaradiisii ugu dambeeyay.

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo wali ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay heshiiskii Addis Ababa ku dhexmaray kowdii bishii Janaayo ee sanadkaan 2024 raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee la xariiray in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah dhulka iyo Biyaha Soomaaliya, heshiiskaas oo si weyn ay uga hortimid dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo inta badan dalalka Caalamka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Bangiga Ganacsiga Ugu Wayn Itoobiya Oo Cillad Farsamo Looga la Bexay Lacago Badan

Heemaaln

Ex Raisul wasaae Geedi,Faarax Macalin Iyo Wufuud horleh Oo Garoowe ku soo Qul-qulaya

Heemaal

Buuq iyo Gacan ka hadal ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya

Heemaal