Madaxweynaha ayaa Wasiirka ka guddoomay dhambaal iyo salaan uu ka siday, Madaxweynaha dalka Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, isaga oo wafdiga la wadaagay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dowladood, gaar ahaan heshiisyadii dhowrka ahaa ee ay labada dal maanta ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho.
Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdiga dowladda Tanzania, waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjiraha Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo mas’uuliyiin sare oo ka socday labada dhinac.