Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.
Go’aankan ayaa waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku booriyay dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dalka in ay u istaagaan waajibka kaga aaddan difaaca Qaranka maaddaama dalkeennu iyo dadkiisuba ay wajahayaan halis jiritaan oo uga imaanaysa dibadda taas oo liddi ku ah gobannimada, wadajirka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Vila Somalia ma sheegin sababta xilka loo qaaday Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley hase ahaatee masuulkan oo ka soo jeeda Koonfur galbeed ayaa maalmahan barihiisa bulshada ku baahinayey qoraalo ka dhan ah ciidamada Masaarida ee dalka la keenayo dhinaca kalena lagu taageerayo ciidamada Itoobiya ee jooga gobolada bay bakool qeybo ka mid ah.