Xeer Ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa ka diidday in dib loo dhigo kiisaska musuq maasuqa ee Netanyahu loo heysto, kaddib markii uu codsaday illaa November in dib loo dhigo.
Mid ka mid ah ujeeddooyinka gaarka ah ee Netanyahu uu u doonayo inuu socdo dagaalka Qasa , ayaa lagu eedeya inay tahay hab uu ku doonayo inuu uga baxsado kiisaska musuq maasuqa ah ee loo heysto , iyadoo ka hor 7 Oktoobar, markii uu dhacay weerarkii Xamaas , ay ka socdeen gudaha Israa’iil bannaanbaxyo waa weyn oo lagu dalbanayay Netanyahu inuu xilka ka deggo, isla maalinta weerarka uu dhacay maamulka Netanyahu ayaa soo saaray amar lagu mamnuucay isku soo baxyada, sababo la xiriira dagaalka.