Xeradan oo katirsan Kuliyadda Jaalle Siyaad ayaa horey loogu magacdaray Maxamed Ibraahim Faarax Jeneraal Gordon oo ahaa jeneraal u dhintay dalka , kaalin weyna ku lahaa dagaalkii Al Shabaab looga saaray Muqdisho iyo Shabeelaha Hoose.
Janaraal Gordan ayaa ku baxay gacanta kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya, waxaana sargaalkan lagu maamuusay in loogu magacdaro xeradan oo degan yihiin laguna tababaro cutubyo katirsan milatariga Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan ayaa meesha ka saaray hadda maamuuskii horey loogu sameeyay Generaal Gordon, waxa uuna hadda Madaxweynaha maamus u sameeyay oo xeradan kugu magacdaray sargaal u dhashay Imaaraadka Carabta oo nin hubeysan xeradan ku dhax dilay.